Axad 22 Dec 2024 {CBB}Madaxweynaha Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa ku baaqay in wadahadal lagu soo afjaro xiisadda ka taagan Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Somaliland Xuseen Cige Dayr ayaa sheegay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu soo jeediyay in la abaarro dhabbaha wadahadalka oo ah guusha keliya lagu gaari karo nabadda.
Xuseen ayaa tilmaamay in Maamulka Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu diyaar u yahay ka qaybgalka wadaxaajoodka lagu soo afjarayo colaadda dhiigga ku daadday isla markaana lagu boobay hantidada Dadka rayidka ah.
Colaadda Magaalada Ceerigaabo waxaa ku barakacay in ka badan 43,000 oo ruux oo rayid ah kuwaas oo naftooda kala baxsaday si aanay waxyeello uga soo gaarin dagaallada aan dhammaadka lahayd ee u dhaxeeya Somaliland iyo SSC-Khaatumo.