Axad 22 Dec 2024 {CBB}Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Masjidka Isbaheysiga Islaamka uga qeybgalay Salaadda Janaasada AUN Sheekh Muuse Cadde oo dhawaan ku geeriyooday dalka dalka Holand.
Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka,Sheekh Muqtaar Roobow iyo culumaa’udiinkii ka qeyb galay janaasada ayaa dhammaan sheekha ku tilmaamay in uu door muhiim ah kasoo qaatay fidinta Diinta Islaamka iyo wacyi galinta bulshada Soomaaliyeed,waxa ayna Alle uga baryeen in Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qaraabada, culumaa’uddiinka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Dhamaan Mas’uuluuliyiintii , Culumaa’udiinkii iyo waxgaradkii ka qayb galay salaada janaasada Sheekh Muuse Cadde ayaa Alle uga baryay inuu naxariistii jano uu ka waraabiyo.