Home WARARKA MAANTA Soomaalida Musambiik oo cabsi soo wajahday kaddib rabshadaha dalkaas ka socda

Soomaalida Musambiik oo cabsi soo wajahday kaddib rabshadaha dalkaas ka socda

89
0

Arbaco 25 Dec 2024 {CBB}Soomaalida ku nool dalka Musambiik ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi la xiriirta bedqabka naftooda iyo maalkooda, ka dib markii ay dalkaas ku faafeen rabshado ay dhigayaan taageereyaasha mucaaradka.

Ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay rabshado ka dhacay Mozambique tan iyo markii maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ay xaqiijisay guusha xisbiga talada haya ee Frelimo ee doorashooyin lagu muransan yahay, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Dadka dhintay waxaa ku jira ugu yaraan laba sarkaal oo boolis ah, sida uu wasiirka arrimaha gudaha, Pascoal Ronda, ka sheegay shir jaraa’id Talaadadii.

Bannaanbaxyada ayaa billowday kadib markii Golaha Dastuuriga uu xaqiijiyay guusha xisbiga talada haya ee Frelimo. Dibadbaxayaasha iyo kooxaha mucaaradka ah ayaa ku andacoonaya in doorashadii 9-kii Oktoobar la musuqmaasuqay.

Hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka Mozambique, Venâncio Mondlane, ayaa ku dhawaaqay inuu isagu isku magacaabi doono madaxweyne 15-ka Janaayo, kaddib markii uu diiday guuldarradiisa doorashooyinka madaxtinnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here