Axad 23, March 2025 {CBB}Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Baydhabo oo maanta Olole nadaafadeed kasameeyey qaar kamid ah Xaafadaha magaalada Baydhabo Xili maalmo kooban ay kaharsan tahay Munaasabada Ciidul Fidriga.
Ololaha nadaafada ayaa waxaa qayb ka ahaa Gudoomiye kuxigeenka Arimaha bulshada Aadan Cali Carab, Gudoomiyaha Haweenka, Hindiyo Isaag Ali iyo Agaasimaha waaxda Caafimaadka iyo fayadhowrka Dowladda hoose ee degmada Baydhabo.
Ololahan ayaa sidoo kale waxaa ka qayb qaatey qaar kamid ah gudoomiye Xaafadeedyada iyo Hooyooyinka xaafadaha magaalada Baydhabo.











