Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Madaxweyne Lafta Gareen oo ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Baydhabo.

Sawiro;-Madaxweyne Lafta Gareen oo ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Baydhabo.

82
0

Khamiis 17, April, 2025 {CBB}Madaxweynaha maamulka goboleedka Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen, ayaa la hadlay Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Daraawishta Dowladda Koonfur Galbeed ee ku sugan Furumaha laga ilaaliyo Amniga Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyaya ciidamada hawlgallada ay wadaan ee ka dhanka ah Al-shabaab, isaga oo xusay in dagaalkii maanta ka dhacay deegaannada ku dhow magaalada baydhabo ay ciidamada ku jabiyeen AS, iyaga oo halkaas ku dilay xubno ka tirsan AS.

Sidoo kale, Laftagareen ayaa carrabka ku adkeeyay in la taageero ciidamada qalabka sida ayna tahay in uu qof kasta oo Soomaaliyeed uu xertaa tuuto.

“Qof kasta oo Soomaaliya ah, gaar ahaan reer Koonfur galbeed waxaa masuuliyada ka saaran tahay in uu tuutahiisa xerto, qorigiisa qaato oo dadkiisa iyo dalkiisa difaaco.” ayuu yiri, Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen

Hadalkaan Madaxeynaha ayaa ku soo aadayo xilli saaka tuulada Burjeed oo ku dhow degaanka Daynuunay ee gobolka Baay, ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Koonfur Galbeed iyo AS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here