Home WARARKA MAANTA Wasaarada Deegaanka Koonfur Galbeed iyo Hay’ada Unicef oo Baydhabo ka daah-furay mashruuc...

Wasaarada Deegaanka Koonfur Galbeed iyo Hay’ada Unicef oo Baydhabo ka daah-furay mashruuc dhireynta Barwaaqo Two.

60
0

Talaado 3, June 2025 {CBB}Wasiirka Wasaarada deegaanka iyo isbedelka cimilada Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed, Mudane Diini Cabdinuur ayaa magaalada Baydhabo ka daah-furay Barnaamij ku saabsan wacyigelinta dadka barakacayaasha ah ee ku nool Barwaaqo Two sidii ay u beeri lahaayeen dhir badan taasi oo horseedi karta ka hortagga dhibaatooyinka Isbedelka cimilada.

Waxaana iska kaashadey Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’ada Unicef, waxaana ka qeybgaley Xildhibaano, dad wacyigeliyaal ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here