Home WARARKA CAALAMKA Madaxweyne Trump oo shaaciyey xilliga uu ku dhowaaqayo go’aanka weerarka IRAN

Madaxweyne Trump oo shaaciyey xilliga uu ku dhowaaqayo go’aanka weerarka IRAN

32
0

Jimco , 20 June 2025 {CBB} – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay inuu labo toddobaad gudahood ku go’aansan doono in Mareykanku weerar ku qaado Iran, isagoo xusay in ay jirto “fursad dhab ah” oo wadahadal la xiriira Iran ah — xilli Israel iyo Iran ay maalintii toddobaad isku hayaan dagaal si toos ah u socda.

Afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa akhrisay farriin uu Trump soo diray oo ay warbaahinta u jeedisay, taasoo lagu sheegay in “hadal hayn badan ay socotay” oo ku saabsan in Mareykanka si toos ah dagaalka uga qeyb qaadan doono iyo in kale.

“Marka la eego in ay jirto fursad dhab ah oo wadahadal lala yeesho Iran — taas oo dhici karta ama dhici karin dhowaan — waxaan go’aankayga ku qaadan doonaa labada toddobaad ee soo socda haddii aan tallaabo qaadayo iyo haddii kale,” ayuu Trump ku yiri bayaan qoraal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here