Home WARARKA MAANTA Masar iyo Eritrea oo ka wadahadlay arrimaha Soomaaliya.

Masar iyo Eritrea oo ka wadahadlay arrimaha Soomaaliya.

12
0

Jimco  31, October 2025 {CBB }  Madaxweynaha Eritariya, Isaayaas Afewerki ayaa Khamiistii u duulay magaalada Qaahira ee waddanka Masaarida. Waa booqasho qaadan doonta shan maalmood.

 

Wasiirka Warfaafinta Eritariya, Yamana Gebremasqal ayaa sheegay in Isayas iyo Cabdalfataax al-Sisi ay yeesheen “wadahadallo ballaadhan” galabnimadii Khamiista.

 

Madaxweynaha dalkaasi, Isayas Afewerki oo xilligan uu khilaaf kala dhexeeyo saaxiibkiisii hore, raysalwsaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa muddooyinkan dambe dawladiisu ay eedaymmo u soo jeedinaysay xisbiga talada Itoobiya haya ee la yidhaahdo Barwaaqo.

 

Dhanka kale, Madaxweyne al-Sisi ayaa intii lagu jiray wadahadallada sheegay, in Masar ay taageereyso “madax-bannaanida iyo xuduudaha Eriteriya.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here