Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Xasan Sheekh kulan qado sharaf ah ku maamusay Madaxdii hore ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh kulan qado sharaf ah ku maamusay Madaxdii hore ee Dalka.

12
0

Jimco  31, October 2025 {CBB }Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan qado sharaf ah ku maamusay Madaxdii hore ee Dalka, kaddib ka qayb galkii Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliya ee Carta.

Xasan Shiikh Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan qorshaha Qaran ee dowlad dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhamaystirka Dastuurka, dardar galinta nidaamka axsaabta badan, amniga iyo ciribtirka argagixisada.

Dhankooda, Madaxdii hore ee Qaranka ayaa bogaadiyey guulaha la gaaray, iyaga oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay talooyin wax ku ool, waxayna hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay hirgelinta doorasho dadweyne iyo adkeynta tiirarka dowladnimada dalkeenna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here