Arbaco 08 August, 2024 {CBB}Ciidamada Militeriga Soomaaliya ayaa howlgalka ATMIS gaar ahaan askarta Itoobiya kala wareegay saldhig ay ku lahaayeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, xilli uu socdo qorshaha dhimista ciidamada ku sugan goobo badan oo ku yaalla dalka.
Masuulka Qeybta Milatariga ATMIS u qaabilsan Arrimaha Saadka, Gaashaanle Sare Bosco Sibondavyi, ayaa ku ammaanay ciidanka Qaranka Soomaaliyeed sida ay u doonayaan in ay qaataan doorkooda.
Sidoo kale, sarkaal u hadlay ATMIS wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay ciidamada xoogga ka taageerayaan sidii ay awood ugu yeelan lahaayeen dagaalka Al-shabaab, iyada oo uu socdo qorshaha kala guurka.
Sidoo kale, munaasabadda waxaa ka hadlay Xiddigle Xuseen Maxamed oo mataalayay ciidamada Xoogga, isaga oo sheegay in ay ka go’antahay sugida amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab.
Saldhiga ay Militiriga Soomaaliya ayaa ku yaalla magaalada Maxaas, waxaana ku sugnaa ciidamada ATMIS gaar ahaan Itoobiya, waana saldhigii lixaad ay wareejiyaan.
Howlgalka ATMIS ayaa wada qorshaha gala guurka iyo dhimista ciidamada, iyada oo qorshaha yahay in la soo gaba gabeeyo howlgalkan bisha January ee sannadka soo socda.
Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrka ayaana maanta ansixiyay Howlgalka cusub ayaa loogu yeeri doonaa Xasilinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasi oo ay qeyb ka noqon doonaan ciidamo isugu jira Militeri iyo Booliis.