Arbaco 08 August, 2024 {CBB}Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa tababar u soo xirey qaar ka mid ah ciidanka Boliiska oo qeyb ka noqon doona sugida amniga Magaalada Muqdisho.
Ciidamadan ayaa qeyb ka ah booliiska gaarka ah ee Haramcad, waxaana loo diyaariyay in ay qeyb ka noqdaan xasilinta magaalada Muqdisho iyo in ay ka hortagaan weerarada Al-shabaab.
Wasiirka Amniga oo ciidamada kula hadlay xarruunta taliska guud ee booliiska ayaa ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan sugida amniga caasimadda.
Munaasabadda ciidanka tababarka loogu soo xirayey ayaa waxaa Wasiirka ku weheliyey Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/G Maxamed Cabdullaahi Kaniif.
Ciidamada loo diyaariyay sugida amniga Muqdisho, ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal dheeraad ah galisay sidii looga hortagii lahaa weerarada Al-shabaab.
Balse waxaa xilliyada qaar dhaca weeraro iyo qaraxyo ay fuliyeen xubno ka tirsan Al-shabaab, iyaga oo la beegsada xarruumaha dowladda iyo hoteelada magaalada Muqdisho.