Arbaco 10, Dec 2025 {CBB}Odoyaal dhaqameed ka socda Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa Magaalada Hargaysa u tagay xal u raadinta xiisadda Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca Dadka rayidka ah.
Waxgaradkaan ayaa la kulmaya dhiggooda Somaliland si ay ula wadaagaan taladooda lagu xoojinayo dedaallada lagu gaarayo xal u helista khalalaasihii ka dhacay Magaalada Boorama ee salkiisu ahaa bandhigga Buugga Xeer Ciise ee markii dambe la joojiyay.
Sidaan oo kale waxa ay Waxgaradkaan horay u tageen Magaalada Hargaysa xiligii ay socdeen dagaalladii ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxa ay talooyin siiyeen Waxgaradkii ay la kulmeen.







