Home WARARKA CAALAMKA Rabshadaha ka socda Minnesota oo sii kordhay & Trump oo Militari adeejinaya

Rabshadaha ka socda Minnesota oo sii kordhay & Trump oo Militari adeejinaya

14
0

Jimco 16 jun 2026 {CBB}Rabshadaha ka socda Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sii kordhay, Ciidanka Socdaalka ee ICE lagu magacaabo ayaa xakamayn waayay dibadbaxyada ay sababtooda leeyihiin maadaama ay toogteen dad ka kacdoomay.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in uu amarsiinayo Ciidamo Militari ah oo awood dheeraad ah u adeegsada Dadkaas dibadbaxaya ee sii xooggaysanaya marba marka mark aka dambeysa sababo la xiriira rabshadaha sii kordhaya.

Donald Trump ayaa sheegay in uu qaadayo tallaabo ka dhan ah Dadka uu shaaciyay in ay abuurayaan Rabshadaha, waxaana uu lama taabtaan ka dhigay dhaqangelinta tarxiilka Dadka ay raadinayaan Ciidamada Socdaalka ee ICE.

Guddoomiyaha Gobolka Minnesota ayaa si aan ka gambasho lahayn Madaxweyne Donald Trump ugu wargeliyay in uu ciidamada ICE ka saaro Gobolkaas, waxa uu tilmaamay in Bulshada iyo Maamulkuba ay isku aragti ka yihiin arrintaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here