Jimco 16 jun 2026 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari, waxaa socda diyaargarow xooggan oo lagu soo dhaweynayo.
Laascaanood waxaa ku sugan Wasiirro katirsan Xukuumadda Dan-Qaran, Taliyaha Booliiska Soomaaliya, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA iyo mas’uuliyiin kale oo maalmihii lasoo dhaafay gaaray.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda uu gaaro Magaalada Laascaanood, waxaana kaddib la gudagalayaa Caleemo-saarka Maamulka Waqooyi Bari & Kulamada mas’uuliyiinta halkaas ku sugan.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre waxa uu safarkaan u yahay socdaalkiisii labaad uu ku tago Magaaladaas isaga oo xilkaan haya, horay ayuu u tagay 12kii April sanadkii hore 2025, waxaa la adkeeyay amniga Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.






