Home WARARKA MAANTA WAR DEG DEG AH: Axmed Madoobe & Mucaaradka oo hal go’aan isku...

WAR DEG DEG AH: Axmed Madoobe & Mucaaradka oo hal go’aan isku raacay

13
0

Jimco 23 Jun 2025 {CBB}Ilo wareedyo ku dhaw Xubnaha Mucaaradka ah oo ku sugan magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, hogaamiye Axmed Madoobe iyo xubnaha Mucaaradka ah ay isku raaceen in ay ka qaybgalaan shirka ay ku dhawaaqday dowladda Soomaaliya.

Xubnaha Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Mucaaradka ku cadaadiyay in ay ka qaybgalaan shirka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya islamarkaana heshiis laga gaaro arrimaha la isku hayo ee doorashada Soomaaliya iyo qaddiyadaha kale ee Dalka ka jira.

Saacadaha soo socda ayaa lafilayaa in Mucaaradka soo saaraan guddiga uga qaybgalayo abaabulka shirka iyo ajandaha la xariira shirkaan oo loo arko in uu muhiim u yahay xaaladda dalka, maadaama waqtiga dowladda uu gabo-gabo yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here