Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Taliye Ku-xigeenka Booliiska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed oo Tababar uga Furay...

Sawiro;-Taliye Ku-xigeenka Booliiska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed oo Tababar uga Furay Ciidamo ku sugan Berdaale

0
1

Arbaco 25 Feb 2026 {CBB}Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Gaashaanle Dhexe Xuseen Baargele, ayaa maanta si rasmi ah tababar cusub uga furay cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee ku sugan degmada Berdaale.

Munaasabadda furitaanka tababarka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Berdaale Mudane Mohamed Isxaaq Xasan (Aracase), saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka degmada. Mas’uuliyiinta ayaa bogaadiyay dadaallada lagu horumarinayo tayada iyo xirfadda ciidamada, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo amniga degmada.

Taliye Ku-xigeenka ayaa sheegay in tababarkan uu diiradda saarayo kor u qaadista aqoonta, anshaxa iyo waajibaadka shaqo ee ciidamada, si ay si hufan ugu gutaan howlaha sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiintii hadashay ayaa ku boorriyay ciidamada inay si dhab ah uga faa’iideystaan tababarka, islamarkaana muujiyaan karti, daacadnimo iyo feejignaan joogto ah si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here