Arbaco 25 Feb 2026 {CBB}Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed Dr. Ali Said Fiqi ayaa ka qeybgalay munaasabadda dhaarinta xubnaha cusub ee kamid noqday Golaha Wasiirrada Dowlada Koonfur Galbeed.
Munaasabadda dhaarinta oo si rasmi ah loo qabtay aqalka Madaxtooyada ayaa lagu dhaariyay wasiirro cusub oo dhowaan loo magacaabay inay ka mid noqdaan Golaha Wasiirrada.
Xubnahan cusub ayaa ku dhaartay inay si hufnaan, daacadnimo iyo mas’uuliyad leh u gudan doonaan waajibaadkooda shaqo, isla markaana ay dhowri doonaan Dastuurka iyo xeerarka u degsan Dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu ku bogaadiyay magacaabista iyo dhaarinta xubnaha cusub, isaga oo ku adkeeyay inay mudnaan siiyaan dardargelinta adeegyada bulshada, xoojinta isla xisaabtanka, iyo horumarinta dowladnimada. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha kala duwan ee dowladda si loo gaaro himilooyinka horumarineed ee Dowlada Koonfur Galbeed.
Munaasabada Dhaarinta ayaa waxa ka qeybgalay Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo marti sharaf kale.




