Axad 1 March 2026 {CBB}Qoraxda ayaa u soo baxday Magaalada Tehran hadda, iyadoo ay sii socdaan qaraxyada laga maqlayo saacadihii ugu dembeeyey.
Caasimada Iran ayaa si ba’an duqaymo ula kulantay kuwaas oo ay ku qaadeen Maraykanka iyo Isreal sabtidii . Trumo ayaa ugu digay in duqaymuhu sii socon doonaan iyadoo uu geeriyooday hoggaamiyihii sare ee Iran Khamenei.
Qiyaastii saacad ka hor, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa muuqaal uu soo dhigay bartiisa X, oo muujinaya gantaalada Mareykanka oo ku dhacaya bartilmaameedyadooda, isagoo leh: “CENTCOM hadda waxay qaadaysaa tallaabo degdeg ah oo go’aan qaadasho leh sida loogu talagalay”.
Ciidamada Difaaca Israa’iil waxay iyana wax yar ka hor sheegeen inay bilaabeen mowjad kale oo weerar ah oo ka imanaya daraasiin diyaarado dagaal ah, oo loogu talagalay sahayda gantaalada Iiraan iyo nidaamyada difaaca.
“Ciidamada Cirka ee Israa’iil waxay garaaceen in ka badan 30 bartilmaameed oo ay leeyihiin Dowladda Iiraan guud ahaan Iiraan, oo ay ku jiraan nidaamyada difaaca cirka, gantaalada, bartilmaameedyada nidaamka, iyo xarumaha taliska militariga,” ayay IDF ku tiri bayaankeedii ugu dambeysay.
Xigasho BBC







