Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Bakool iyo Xuddur oo si cad uga horyimid Madaxweynaha Koonfur Galbeed .

Sawiro;-Bakool iyo Xuddur oo si cad uga horyimid Madaxweynaha Koonfur Galbeed .

1
0

Sabtii 21 March 2026 {CBB}Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xuddur ayaa si rasmi ah uga horyimid madaxweynaha ay ku tilmaameen mid “sharci darro ku jooga” Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagoo soo saaray mowqif cad oo arrintaas la xiriira.

Mas’uuliyiinta labada maamul ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn hoggaanka hadda jira ee Koonfur Galbeed, islamarkaana ay si buuxda u taageersan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay carrabka ku adkeeyeen in ay si toos ah ula shaqeyn doonaan dowladda dhexe ilaa laga helo maamul sharciyad buuxda leh oo metela shacabka.

Sidoo kale, maamulka Gobolka Bakool iyo Degmada Xuddur ayaa muujiyey taageeradooda ku aaddan dastuurka dalka, iyagoo xusay in ay garab taagan yihiin dastuurka uu dhowaan ansixiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo saameyn ku yeeshay maamulka iyo xasilloonida deegaannada qaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here