Sabtii 21 March 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo loo diyaariyey xoojinta amniga deegaannada maamulkaas.
Cutubyadan ayaa intii uu socday tababarku lagu baray xirfado muhiim ah oo la xiriira sugidda amniga, la dagaallanka falalka lidka ku ah nabadda, iyo taageeridda howlaha dowladnimada. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ciidanka dadaalkooda, wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda.
Mudane Laftagareen ayaa sidoo kale xusay in Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay xoojinta tayada iyo tirada ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar laga gaaro guud ahaan deegaannada maamulkaas.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey AUSSOM, gaar ahaan Dowladda Ethiopia, doorkooda ku aaddan tababarka iyo taageerada ciidamada.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey wasiirrada, saraakiisha amniga iyo guud ahaan shacabka Koonfur Galbeed sida ay garab istaagga ugu muujiyeen ciidamada, kuwaas oo uu ku tilmaamay laf-dhabarta sugidda amniga iyo difaaca dowladnimada.








