
Isniin 23 March 2026 {CBB}Dowladda Iiraan ayaa ka jawaabtay eedaynta Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ee la xiriirta in ay isbaaro dhigatay marinka Hormuz isla markaana ay hor istaagtay maraakiibta shidaalka ee gobolka isaga kala gudbi jirtay.
Iiraan ayaa sheegtay in keliya ay hortaagan tahay Maraykanka iyo xulufadiisa oo weerarray dalkeeda 28kii Febaraayo 2026 iyaga oo beegsaday goobo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha iyo Bulshada Dalkaasi.
Tehran ayaa markale ku celisay in go’aanka soo gabagabaynta dagaalka ay gacanta ku hayso, waxa ay si cad u sheegtay in ay kahortagayso weerarro cusub oo Maraykanka, Israa’iil iyo dhinacyada kale ee raacsan ay abaabulayaan.
Maamulka Donald Trump ayaa culays xooggan kala kulmaya Dalalka Khaliijta, waxa ay ku eedeeyeen in uu u horseeday dhibaatooyin kala duwan sida Dhimasho, Dhaawac, Burbur iyo xasilooni darro kaddib markii uu ku jabay duullaanka Iiraan.






