Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wafdi Dowladda Federaalka ah oo gaaray Xudur kana wadahadlay amniga iyo horumarinta...

Sawiro;-Wafdi Dowladda Federaalka ah oo gaaray Xudur kana wadahadlay amniga iyo horumarinta Bakool

1
0

Isniin 23 March 2026 {CBB}Wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Wafdigan ayaa caawa kulamo muhiim ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee gobolka Bakool, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira amniga, xasilinta deegaannada, iyo dardargelinta adeegyada bulshada. Kulamada ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda iyo bulshada deegaanka.

Odayaasha dhaqanka ayaa wafdiga la wadaagay baahiyaha ka jira gobolka, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta, iyo gargaar bini’aadantinimo. Waxay sidoo kale muujiyeen doorkooda ku aaddan nabadeynta iyo ilaalinta xasilloonida deegaanka.

Dhankooda, xubnaha wafdiga Dowladda Federaalka ayaa ballan qaaday in ay ka shaqeyn doonaan wax ka qabashada cabashooyinka iyo baahiyaha ay soo gudbiyeen odayaasha, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo ka dhexeeya dowladda iyo bulshada.

Kulamadan ayaa lagu tilmaamay kuwo muhiim u ah xoojinta xiriirka dowladda iyo shacabka, isla markaana horseedi kara horumar iyo nabad waarta oo ka hanaqaada gobolka Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here