Axad 29 March 2026 {CBB}
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo maanta xilka la wareegay ayaa sheegay in shaqo adag uu ka qaban doonno taliskaas maadaama uu oddoras uu ku sameeyay maalmihii uu magacawnaa uu wax badan arkan.
Waxa uu soo hadal qaaday xuquuqda Dadka xiran ee ilaalada ay ka yihiin Ciidamada Asluubta, xiriirka saraakiisha, kala saarista Askarta dhexdooda, la dagaalanka Qaadka iyo waxyaabo kale oo uu xusay in waqti dheer ay ku qaadan doonto xalinteeda.
Xaamud ayaa carrabka ku adkeeyay in muddo 10 sano ah oo uu bannaan joog ahaa uu kor kala socday arrimo ay kamid yihiin kuwa Ciidanka, waxa uu shaaciyay inay ka go’an tahay wax ka qabashada waxyaabihii uu arkay iyo kuwo kale oo qarsoon.
“Saraakiisha sare ee Asluubta isma rabaan, waxaa haysata cuqubada ka jirta gudaha, laga billaabo Janaraal ilaa dable Tababar ayaa loosoo diyaargaroobaa” Ayuu yiri Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxaa xilka ku wareejiyay ku xigeenkiisa maadaama uu goobta Munaasabadda ka dhacday uu ka maqnaa Taliyihii xilkaan hayay ee laga qaaday sababo ilaa hadda aan la shaacin.







