Axad 29 March 2026 {CBB}War-saxaafadeed uu saarey Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayuu uga hadlay dhaqdhaqaaqyada ka socda deegaannada Koofur Galbeed ee u dhaxeeya Maamulkaasi iyo Dowladda Federaalka.
Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in Midowga Afrika markasta ka shaqeynayo Nabadda Soomaaliya, isla markaasna uu taageerayo wada hadal, si xal rasmi ah loo gaaro.
“Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada in ay is xakameeyaan, isla markaasna laga fogaado wax kasta oo keeni kara dagaal ama gacan ka hadal” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.
Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in ay kulan qabsadaan Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo wehliyo gobolka Banaadir.
Hadalka Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin Ciidanka Itoobiya oo qaarkood hoos yimaada Howlgalka AUSSOM.
Ciidamadaan Itoobiyaanka ah ayaa maamula xarruumaha muhiimka ah ee Dowlad goboleedka Koofur Galbeed sida Garoonka diyaaradaha iyo goobo kale, waxaana ay saameyn ku leeyihiin Siyaasadda Maamulkaasi.







