Isniin 18 May 2026 {CBB}Madaxwaynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in uu sugayo tallaabada uu madaxwayne Cirro ka qaado Boqor Buurmadaw oo dhawaan sheegay in uu ka qaybgaatay jabkii ciidamada Somaliland ee Laascaanood iyo soo bixitaankii Cirro.
“Waxaa jiray nin ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland oo si gabasho la’aan ah u sheegtay in uu ka qaybgaatay dagaalkii waxyeelada naf iyo maalba lahaa ee soo gaaray ciidamada Somaliland, sidoo kale ku mano sheegtay in uu madaxweynaha maanta jooga kursiga saaray, mar labaadna uu saari doono” ayuu yiri Muuse Biixi.
“Madaxweynaha waxaan kula talinayaa oo u soo jeedinayaa in uu ummadda reer Somaliland la wadaago oo u caddeeyo mowqifka uu arrintaas ka taagan yahay” ayuu raaciyay.







