Isniin 18 May 2026 {CBB}Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay weerar loo afeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo ka dhacay meel u dhow xarunta nukliyeerka Barakah ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay u aragto weerarkaasi “xadgudub khatar ah” oo halis gelinaya nabadda, xasilloonida gobolka iyo madax-bannaanida Imaaraadka Carabta.
“Falalkan oo kale waxay dhaawacayaan amniga caalamiga ah waxayna khatar weyn ku yihiin kaabeyaasha muhiimka ah ee rayidka,” ayaa lagu yidhi bayaanka.
Somaliland ayaa sidoo kale muujisay taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta xilligan, iyadoo sheegtay inay si buuxda u taageerayso dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida dalkaasi.
Somaliland waxay intaa ku dartay inay si adag uga soo horjeeddo dhammaan noocyada argagixisada, rabshadaha iyo weerarrada lagu beegsado xarumaha rayidka iyo kaabeyaasha muhiimka ah.
Imaaraadka iyo Somaliland ayaa leh xidhiidh dhaw, waana dowlada dhaqaalaha ugu badan ku maalgalisay kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland sida dekeda iyo madaarka Berbera.







