Isniin 18 May 2026 {CBB}Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa si ka duwan Hoggaamiyeyaashii kursiga uga horraysay maanta khudbad ugu jeediyay Shacabka Magaalada Hargaysa, waxa uu ka dhex hadlayay Muraadaha aan xabbadaha Karin.
Baahinta Muuqaalkiisa ayaa aad loo xadiday waxaana Warbaahinta ka madaxbannaan maamulkiisa loo calaamadeeyay goobo aysan u dhaafi Karin Cabdiraxmaan Cirro halkaas oo la dhigay Ciidamo ilaalinaya amnigiisa.
Dadka Shacabka ah ee Munaasabaddaas ka qaybgalayay ayaa loo sameeyay xariiq aysan kasoo gudbi Karin, waxaa la hordhigay Ciidamo jirkooda dahaaray oo wata hub culus iyo Gaadiidka Dagaalka sida ka muuqata muuqaalka xafladdaas.
Saraakiisha sida gaarka ah ugu xilsaaran Amniga Cabdiraxmaan ayaa aad uga ilaalinayay in loo dhawaado, hoggaamiyahaan oo dadka dhex geli jiray ayaa soocnaan maanta lagu arkay iyada oo aanay lasoo bandhigin sababta ka dambaysay isbaddelkaan cusub.
Wixii ka dambeeyay markii Maamulka Waqooyi Galbeed uu ku dhawaaqay in uu xiriir la samaystay Israa’iil waxaa isbaddel lagu sameeyay hannaanka nabadgalyada Hoggaamiye Cirro iyada oo aan lasoo bandhigin sababta arrintaasi dhalisay.







