Talaado 19 May 2026 {CBB}. Imaam Taha Hassane oo ka tirsan Islamic Centre ayaa kusoo gabagabeeyay shir jaraa’id isagoo sheegay in xaruntu ay tahay “guri cibaado, ma aha goob dagaal.”
“Muslimiinta iyo dadka aan Muslimka ahaynba mar walba waa lagu soo dhaweyn jiray Islamic Center,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in bulshada Muslimku ay murugaysan tahay, isla markaana ay warbaahinta ka codsadeen inay joojiyaan faafinta sawirrada dhibbanayaasha, iyaga oo codsanaya in la ixtiraamo qoysaska dhibbanayaasha.
Kadib wuxuu dadka ku boorriyay inay faafiyaan dhaqan jacayl iyo isu-dulqaadasho leh.







