Home WARARKA CAALAMKA Madaxweyne Trump oo sheegay in uu dib u dhigay duullaanka ka dhanka...

Madaxweyne Trump oo sheegay in uu dib u dhigay duullaanka ka dhanka ah Iiraan

2
0

Talaado 19 May 2026 {CBB}Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in uu dib u dhigay duullaankii uu u qorsheeyay in uu ku beegsado Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan kaddib soo jeedin arrintaas ku saabsan oo uga timid Dalalka Khaliijka sida Qatar, Sacuudiga, Imaaraatka & dhinacyo kale

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhanka kale tilmaamay in ay socdaan dedaallo xal lagu raadinayo isaga oo intaas ku daray in uu fursad siinayo howshaas socota inkasta oo uusan shaacin cidda wada iyo nooca dedaalladaas.

Waxa uu haystay saacado kooban oo 48 saac ah balse kahor inta aan la gaarin waqtigaas ayuu shaaciyay in ay gacmaha ka qabteen Dalalka Khaliijka oo dhibbane u noqday jawaabta Iiraan waa marweliba oo la weeraro sida ay muujinayaan xogaha iyo macluumaadka Trump uu soo bandhigay.

Iiraan ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay iska caabbinta duullaan weliba oo uga yimaada Maraykanka, Israa’iil iyo cid weliba oo garab ku siinaysa arrintaan, waxaana ay Tehran xustay in ay burburin doonto danaha Washington ee Gobolka waa haddii dhankooda la weeraro.

La soco wixii kasoo kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here