Home WARARKA MAANTA Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay Xiliga la Galay imtixaanka Dugsiga Sare ee dalka

Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay Xiliga la Galay imtixaanka Dugsiga Sare ee dalka

0
1

Arbacao 20 May 2026 {CBB}War kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 20ka ilaa 25ka June 2026 in la galayo ama la qaadayo Imtixaanka Dugsiga Sare.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa wargelin arrintaas ku saabsan gaarsiiyay Ardayda, Macallimiinta, Maamuleyaasha, Waalidiinta iyo dhammaan bahda waxbarashada si ay ugu diyaargaroobaan Imtixaankaas Qaran sida hadalka loo dhigay.

Waxaa laga sugayaa tirakoobka Ardayda Sannadkaan galaysa iyada oo lasii diyaarinayo goobaha lagu qaadayo Imtixaanka ee isugu jira  Dugsiyada sida tooska ah u hoostaga Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare iyo Goobo kale.

Maanta oo ah 20ka May 2026, shaacintaan waxa ay ka dhigaysaa in bil kaddib la gali doonno Imtixaanka Qaran ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, Ardayda ayaa waqti u haysta in ay isugu diyaariyaan Imtixaankaas.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here