Home WARARKA CAALAMKA Maxay tahay Wada hadalla u billaawday Dowladda Indonesia iyo kooxaha Afduubtay Markabka...

Maxay tahay Wada hadalla u billaawday Dowladda Indonesia iyo kooxaha Afduubtay Markabka MT Honor 25?

1
0

Khamiis 20 May 2026 {CBB}Wada hadallo ayaa u socda Dowladda Indonesia oo kaashaneysa Soomaaliya iyo Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee Afduubtay Markabka MT Honor 25 oo lagu hayo xeebaha dowlad goboleedka Puntland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Indonesia, Sugiono oo la hadlay Baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in ay si dhow ula socdaan xaalada nololeed ee Badmaaxayaasha u dhashay dalkaasi oo tiradooda gaareyso afar ruux.

“Waxaan si toos ah ula xiriirnay Kooxaha Burcadbadeeda ee Afduubtay muwadiniinta u dhashay dalkeena, dhawaan waxaan fileynaa Natiijo wanaagsan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Indonesia, Sugiono.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in wada hadallada ay qeyb ka yihiin Diblumaasiyiintooda ku sugan dalalka Kenya iyo Pakistan, kuwaasi oo wada dadaallada lagu sii deynaya Madmaaxiintaasi.

Markabka MT Honor 25 waxaa saaran 17 shaqaale ah: 4 Indooniisiyaan ah oo ku jiro Ashari, 11 Pakistaniyiin ah, 1 Sri Lankan ah iyo 1 Indian ah, waxaana la xaqiijiyay in la afduubtay 21 bishii April ee bishii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here