Home WARARKA MAANTA DFS oo sheegtay in marnaba laga aqbaleyn inuu Qudus ka furto Safaarad...

DFS oo sheegtay in marnaba laga aqbaleyn inuu Qudus ka furto Safaarad Maamulka Waqooyi Galbeed.

1
0

Khamiis 20 May 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Israa’iil wado qorsheyaal daandaansi ah oo la aqbali karin, iyadoo cambaareysay tillaabada ay wax loogu yeeray Safaarad magaalada Qudus uga furanayaan Maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay ka go’an tahay markasta sidii ay u ilaalin lahaayeen Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay si adag u cambaareynaysaa tallaabada maamulka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya uu ku sheegay inuu ka furayo waxa loogu yeeray “safaarad” magaalada Qudus, waa go’aan u muuqda daandaansi iyo xad gudub ka dhan ah Madaxbannaanida Soomaaliya” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Magaalada Qudus oo ah goob taariikh ah oo sal u ah Khilaafka Israa’iil iyo Falastiin ayaa waxaa Safaarado ku leh oo u soo guuray dalalka Maraykanka, Guatemala, Kosovo, Honduras, Paraguay, Papua New Guinea, iyo Fiji.

Donald Trump ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay oo si iskiis ah Israa’iil caasimad ugu aqoonsada magaalada Qudus oo ay markii ugu horreysay dagaal ku qabsadeen 1967.

Dagaalkaasi ka dib, 1980 ayay Israa’iil si rasmi ah dhulkeeda ugu dartay Qudus oo ay deggan yihiin Shacabka reer Falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here