Home WARARKA CAALAMKA Mareykanka oo isticmaalay in ka badan kala bar gantaallada difaaca THAAD, intii...

Mareykanka oo isticmaalay in ka badan kala bar gantaallada difaaca THAAD, intii lagu jiray dagaalkii Iiraan.

1
0

Jimco 21 May 2026 {CBB}Mareykanka ayaa adeegsaday in ka badan kala bar gantaallada difaaca THAAD, intii lagu jiray dagaalkii Iiraan, kuwaasoo looga hortagayay gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan oo lagu weerarray saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo Israa’iil, iyadoo keliya 200 gantaal uu Mareykanka adeegsaday si uu Israa’iil uga difaaco weerarrada Iiraan.

Xaaladan oo si weyn u dhaawacday keydka gantaallada difaaca Mareykanka, halka inta badan nidaamyada difaaca Israa’iil ay wajaheen cilad oo ay hadda ku jiraan marxalad dib loogu dayac-tirayo, taasoo ah waxa ka fogeynaya Mareykanka inuu si deg deg ah ugu laabto dagaalka Iiraan, sida uu baahiyay wargeyska Times of Isreal oo xiganaya warbixin uu baahiyay wargeyska Washington Post.

Sarkaal Mareykan ah oo la hadlay wargeyska , ayaa u sheegay;

“Israa’iil kaligeed ma awooddo inay dagaal weyn gasho oo ay guuleysato, laakiin dadka badankood ma fahansana taa.”
Fiiro gaar ah;

Hal gantaal oo ka tirsan nidaamka difaaca cirka ee THAAD waxaa lagu qiyaasaa inuu ku kacayo inta u dhexeysa 12 milyan ilaa 18 milyan oo dollar.

Badanaa marka THAAD uu ka hortagayo hal gantaal ballistic ah, waxaa la ridaa laba interceptor si loo kordhiyo fursadda lagu soo ridi karo bartilmaameedka.

Taas micnaheedu waa in hal weerar oo keliya mararka qaar wuxuu Mareykanka kaga bixi karaa 25 ilaa 35 milyan oo dollar ama ka badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here