Jimco 21 May 2026 {CBB}Dadaallada lagu raadinayay heshiis rasmi ah oo ay gaaraan Mareykanka iyo Iiraan ayaa lagu guul-darraystay , waxayna Pakistan bilowday iskuday lagu gaarayo heshiis kumeel-gaar ah, ka dib markii Mareykanka iyo Iiraan ay labaduba diideen wax tanaasul ah، sababtoo ah mid kasta wali wuxuu ku adkeysanayaa dalabaadkiisa,sida ay baahisay warbaahinta Al Arabiya.
Caqabadda ugu weyn ee wada-hadallada hortaagan ayaa ah arrinta uranium-ka Iiraan iyo waxa laga yeelayo.Sida ay xogtu tilmaamayso, Mareykanka iyo Iiraan wali kama tanaasulin mowqifyadooda ku saabsan uranium-ka.
Waxaa sidoo kale la sheegay in haddii heshiis ku meel gaar ah la gaaro, uu gacan ka geysan karo in dagaalka la joojiyo.Laakiin arrimaha waaweyn ee heshiiska kama dambaysta ah ayaa la filayaa inay u baahan doonaan wada-hadallo dheer iyo waqti badan







