Khamiis 4,June 2026 {CBB}Baydhabo – Xildhibaannada Baarlamaanka 3-aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u doortay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada.
Doorashada ayaa waxaa ku tartamay laba musharax oo kala ah Xildhibaan Mahad Maxamed Sheekh Xasan iyo Xildhibaan Cabdixakiin Xaaji Maxamed Fiqi. Kaddib codbixin ay sameeyeen mudaneyaasha Baarlamaanka, waxaa guusha ku raacay Xildhibaan Mahad Maxamed Sheekh Xasan oo helay 70 cod, halka musharraxii la tartamayay, Cabdixakiin Xaaji Maxamed Fiqi, uu helay 25 cod.

Doorashadan ayaa qeyb ka ah dhammaystirka dhismaha hay’adaha Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la qabto doorashada Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada.
Wixii warar ah kala soco Codka Bay & Bakool.







