Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Aadan Xasan Maxamed oo loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Koonfur...

Sawiro;-Aadan Xasan Maxamed oo loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed

1
0

Khamiis 4,June 2026 {CBB}Baydhabo – Xildhibaannada Baarlamaanka 3-aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Aadan Xasan Maxamed iyo Cabdirisaaq Xuseen Aadan. Kaddib codbixin ay sameeyeen mudaneyaasha Baarlamaanka, waxaa guusha ku raacay Aadan Xasan Maxamed oo helay 82 cod, halka musharraxii la tartamayay, Cabdirisaaq Xuseen Aadan, uu helay 12 cod.

Doorashadan ayaa qeyb ka ah dhammaystirka hoggaanka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in la soo geba-gebeeyo doorashada Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada.

Wixii warar ah kala soco Codka Bay & Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here