Home WARARKA CAALAMKA Pakistan oo Wafdi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya si loo sii daayo...

Pakistan oo Wafdi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya si loo sii daayo Muwaadiniin la Haysto

1
0

Khamiis 25.June2026{CBB}Dowladda Pakistan ayaa wafdi diblomaasiyadeed ka soo dirtay dalka Jabuuti una soo dirtay Soomaaliya, iyadoo xoojinaysa dadaallada lagu doonayo sii deynta muwaadiniin Pakistani ah oo la sheegay in lagu haysto gudaha Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, Tahir Andrabi, ayaa sheegay in dowladda Pakistan ay mudnaanta koowaad siinayso badbaadinta iyo sii deynta nabdoon ee muwaadiniintaasi.

 

“Dowladda Pakistan waxa ay mudnaanta ugu weyn siinaysaa sii deynta nabdoon ee dadka la haysto,” ayuu yiri Andrabi intii uu ku guda jiray shirkiisii jaraa’id ee toddobaadlaha ahaa.

Afhayeenku wuxuu xusay in Islamabad ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan, isla markaana ay la shaqeynayso dalal saaxiib ah, ururro maxalli ah iyo dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha, si loo helo xal lagu sii deynayo dadkaasi.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in wafdiga diblomaasiyadeed ee laga soo diray Jabuuti uu qayb ka yahay qorshaha lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta dhinacyada ay khusayso arrintan.

Dowladda Pakistan ayaan weli shaacin tirada rasmiga ah ee muwaadiniinta la haysto iyo goobta lagu hayo, balse waxay xaqiijisay in dadaallada lagu sii deynayo ay si joogto ah u socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here