Khamiis 25.June2026{CBB}maxaxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay kiiskii muddooyinkan u socday Sacdiyo Macalin Cali Xasan (Sacdiyo Bajaaj), iyadoo ku xukuntay saddex sano oo xabsi ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Dabbaan, oo ku dhawaaqay xukunka, ayaa sheegay in lagu helay dambiyo la xiriira kicin dadweyne iyo sumcad-dil ka dhan ah hay’adaha iyo madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Intii ay socotay maxkamadeynta, xeer-ilaalintu waxay soo bandhigtay muuqaallo laga dhex daawaday hoolka maxkamadda, kuwaas oo loo adeegsaday caddayn ahaan.
In kasta oo eedaysanaha iyo qareennadeedu ay difaac u galeen, haddana maxkamaddu waxay go’aamisay in dambiga lagu helay.
Abuukate Maxamed Sheekh Cismaan, oo u doodayay Sacdiyo, ayaa ku gacan-seyray go’aankaas, isagoo ku tilmaamay xukun adag oo laga baaqsan karay.
Waxa uu xaqiijiyay inay qaadan doonaan racfaan si looga doodo kiiska heerka labaad ee maxkamadda.
Sacdiyo Bajaaj oo caan ka ah baraha bulshada, ayaa xabsiga ku jirtay muddo 74 maalmood ah ka hor intaan xukunka lagu dhawaaqin.







