Khamiis 25.June2026{CBB}Baydhabo, 25 Juun 2026 – Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladaha guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta howlaha dowladda.
Intii uu shirku socday, xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed la wadaagay warbixinno ku saabsan waxqabadka wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda, iyagoo soo bandhigay heerka ay marayaan qorshayaasha horumarineed iyo adeegyada loo fidinayo bulshada.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa bogaadiyey dadaallada ay wasaaraduhu ugu adeegayaan shacabka, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo hufnaanta shaqada, kor u qaadista tayada adeegyada bulshada iyo dardargelinta hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, Hoggaamiyuhu wuxuu faray Golaha Wasiirrada inay sii labanlaabaan dadaallada lagu xoojinayo amniga, horumarinta adeegyada aas-aasiga ah iyo fulinta barnaamijyada mudnaanta u leh shacabka Koonfur Galbeed.








