Sabati June 27, 2026 {CBB}Baydhabo – Guddiga Qaban-Qaabada Munaasabadda Caleema-Saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey in munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) la qaban doono 6-da Luulyo 2026.
Guddigu wuxuu sheegay in diyaar-garowga munaasabadda uu marayo heerkii ugu dambeeyey, iyadoo la dhammeystirayo qorshayaasha iyo howlaha lagu xaqiijinayo in munaasabadda ay u dhacdo si nabad ah oo habsami leh.
Munaasabadda waxaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, hoggaamiyeyaasha Dowlad-Goboleedyada dalka, wakiillo ka socda beesha caalamka iyo marti-sharaf kale.
M








