Home WARARKA MAANTA Madaxweynaha Soomaaliya oo Jabuuti uga qaybgalay Munaasabad lagu maamuusayo madaxbannaanidii Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Jabuuti uga qaybgalay Munaasabad lagu maamuusayo madaxbannaanidii Jabuuti.

1
0

Sabati June 27, 2026 {CBB} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabuuti uga qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay 49 sano guurada kasoo wareegtay markii uu dalkaas madaxbannaani ka qaatay gumaystihii Faransiiska.

 

Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa si wadajir ah u ubax dhigay mid kamid ah goobaha lagu xusuusto halgamayaashii Dalkaas usoo halgamay ee la dagaalamay gumaystihii Faransiiska si loogu xusuusto.

 

Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay madaxbannaani ka qaadatay Gumaystihii Faransiiska ee qaybta ka ahaa Dalalka Yurub ee kala qaybiyay Soomaaliya, maanta waxa uu dalkaas maamuusayaa 49 sano guurada kasoo wareegtay markii uu ka xorroobay.

 

Todobaadka Xorriyadda waxa uu billowdaa 26ka June waxaana uu kusoo dhammaadaa 1da Luulyo oo ah markii Koofurta ay ka xorrowday gumaystihii Talyaaniga iyo israacii labada Gobol ee Waqooyi & Koofur halkaas oo ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here