Home WARARKA CAALAMKA Burkina Faso oo xiriirka u jartay dalka Faransiiska

Burkina Faso oo xiriirka u jartay dalka Faransiiska

1
0

Sabati June 27, 2026 {CBB}Dowladda Burkina Faso ayaa ku dhowaaqday inay gebi ahaanba xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay dalka Faransiiska, xilli sanadihii la soo dhaafay uu taagnaa khilaafka labada dowladood.

 

War-saxaafadeed rasmi ah oo laga baahiyay telefishinka qaranka, ayaa dowladda Burkina Faso waxay ku sheegtay in Faransiisku uu si bareer ah ugu xadgudbay madaxbannaanida dalka, isagoo faragelin toos ah ku hayay arrimaha gudaha.

 

Wasiirka Isgaarsiinta ee Burkina Faso ayaa dhankiisa ku eedeeyay dowladda Faransiiska inay ka shaqeynaysay qorsheyaal lid ku ah danaha qaranka Burkina Faso.

 

Wasiirka ayaa sheegay in Faransiiska uu si cad u taageeray kooxo ka soo horjeeda dowladnimada dalkaasi, wuxuuna tilmaamay in go’aankan saameyn doonin muwaadiniinta Faransiiska ee ku sugan gudaha Burkina Faso.

 

Tillaabadaan ay qaaday Dowladda Burkina Faso ayaa wax badan ka badali doonta Siyaasadda Galbeedka Qaaradda Afrika oo ah goob ay ku xooganeyd saameynta Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here