Sabati June 27, 2026 {CBB}Baydhabo – Guddiga Qaban-Qaabada Munaasabadda Caleema-Saarka Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Saraakiisha Hay’adaha Amniga.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta amniga Magaalada Baydhabo iyo diyaarinta qorsheyaasha lagu xaqiijinayo nabadgelyada inta ay socoto munaasabadda caleema-saarka.
Guddiga ayaa si gaar ah u dul istaagay sugidda amniga marti-sharafta ka qeybgaleysa munaasabadda, shacabka, iyo guud ahaan goobaha lagu qabanayo howlaha la xiriira caleema-saarka, si ay munaasabaddu ugu dhacdo jawi nabdoon oo xasilloon.
Guddiga Qaban-Qaabada ayaa bogaadiyey dadaallada Hay’adaha Amniga ay ugu jiraan ilaalinta nabadgelyada, iyagoo ku boorriyay inay sii xoojiyaan howlahooda amni.
Dhankooda, Saraakiisha Hay’adaha Amniga ayaa xaqiijiyey inay diyaar u yihiin hirgelinta qorsheyaasha amniga iyo ilaalinta nabadgelyada Munaasabadda Caleema-Saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed.








