Sabti 4. july 2026 {CBB}Midowga Afrika ayaa caddeeyay in aan howlgalka AUSSOM la sii wadi karin taageero la’aanta Beesha Caalamka, isla markaasna loo baahan yahay cid badasha dhaqaalaha uu joojiyay Mareykanka.
Midowga Afrika (AU) ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Lataliyayaasha Militari ee waddamada xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga, kaddib markii Mareykanka uu ku dhawaaqay inuu joojinayo taageerada Amni ee Soomaaliya.
Madaxda Guddiga AU ka ayaa ka tashanaayo saameynta ka dhalatay go’aanka Mareykanka, qorshe-hawleed deg deg ah iyo waqtiyada ay tahay in la qaado tillaabooyinka xiga si Ciidamada Afrika u sii joogaan Soomaaliya.
Go aanka Dowladda Mareykanka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa Xili Dowladda Soomaaliya ay dhawaan soo bandhigtay cudud meleteri oo aad u xoogan.








