Home WARARKA MAANTA Baydhabo oo isu diyaarineysa soo dhaweynta madaxda ka qeybgalaysa caleemosaarka Hoggaamiye Aadan...

Baydhabo oo isu diyaarineysa soo dhaweynta madaxda ka qeybgalaysa caleemosaarka Hoggaamiye Aadan Madoobe, iyadoo la adkeeyay amniga magaalada

2
0

Sabti  4. july 2026 {CBB}Magaalada Baydhabo waxaa ka socota qabanqaabada munaasabadda lagu caleemosaarayo Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyada oo sare loo qaaday Nabadgalyada xarunta Gobolka Baay.

Munaasabadda Caleemosaarka oo lagu wado in ay qabsoonto 6da July oo ah Isniinta maalin kaddib waxaa lagu casuumay madax isugu jirta heer federaal, Dowlad-Goboleed & Wakiillada kala duwan ee Beesha Caalamka.

Wufuud hordhac u ah Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed sida ay inoo sheegeen ilo kala duwan.

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoonka Baarlamaanka, Duqa Muqdisho, Madaxda Galmudug, HirShabeelle, Waqooyi Bari iyo xubno kale ayaa la sheegay in ay ku casuuman yihiin munaasabadda Calaamosaarka Aadan Madoobe.

Dhinaca kale, waxaa Ciidamada ammaanka la faray in ay adkeeyaan nabadgalyada maadaama Magaalada Baydhabo ay isugu tagaan mas’uuliyiin kala duwan kana hortagaan weerarro dhowr jeer lagu qaaday goobaha laga ilaalinayo Amniga Magaaladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here