Sabti 4. july 2026 {CBB}Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa shir deg-deg ah ka yeeshay mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kaddib go’aanka Mareykanka ee ah inuu joojinayo taageerada saadka ee la mariyo UNSOS marka la gaaro 31-ka December 2026.
Kulanka oo ka dhacay Addis Ababa ayaa waxaa lagu falanqeeyay saameynta amni, saad iyo dhaqaale ee ka dhalan karta hakadka taageeradaasi, iyadoo saraakiisha Midowga Afrika ay ka digeen in arrintan ay si weyn u wiiqi karto howlgalka AUSSOM, isla markaana ay halis gelin karto ammaanka magaalooyinka waaweyn, jidadka muhiimka ah iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Warbixinta kulanka ayaa lagu sheegay in howlgalka AUSSOM uu hadda ku tiirsan yahay miisaaniyad sanadle ah oo gaareysa 190 milyan oo dollar, halka UNSOS ay bixiso xirmo taageero saadka ah oo dhan 502 milyan oo dollar. Waxaa sidoo kale la xusay in boqolkiiba 25 miisaaniyadda UNSOS ee uu Mareykanku bixin jiray horay loo hakiyay bishii October 2025, halka taageerada harsanna la joojin doono dhammaadka sanadkan 2026.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay saddex ikhtiyaar oo waaweyn oo lagu wajahayo xaaladda cusub. Ikhtiyaarka koowaad ayaa ah in la sii wado howlgalka AUSSOM, balse taageerada saadka laga raadiyo dalal kale ama habab kale oo laba geesood ah si loo daboolo baahiyaha gaadiidka, duulista iyo adeegyada caafimaadka. Ikhtiyaarka labaad ayaa ah in la sameeyo howlgal goboleed ka yar AUSSOM oo leh qaab-dhismeed cusub, talis cusub iyo nidaamyo cusub oo saad iyo daadgureyn dhaawacba leh. Ikhtiyaarka saddexaadna wuxuu yahay in si tartiib tartiib ah oo qorsheysan ciidamada AUSSOM looga saaro Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyadda amniga lagu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, isla markaana dib loogu celinayo qalabka iyo ciidanka howlgalka.







