Home WARARKA MAANTA Xildhibaan Saleebaan Food oo kamid ah Saaxiibada Cirro oo lagu xiray Itoobiya

Xildhibaan Saleebaan Food oo kamid ah Saaxiibada Cirro oo lagu xiray Itoobiya

2
0

Sabti  4. july 2026 {CBB}Wararka laga helayo Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Dalkaas ay xireen Xildhibaan Saleebaan Nuur Warsame Food oo katirsan Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Galbeed.

Xildhibaan Saleebaan Food oo kamid ah Xubnaha sida dhow aad ugu ololeeyay Hoggaamiyaha Maamulka  Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro weli si dhab ah looma shaacin sababta loogu xiray Addis Ababa.

Xubno katirsan ehelkiisa ayaa xaqiijiyay in uu xiran yahay Xildhibaan Saleebaan Nuur Warsame oo ku magac dheer Saleebaan Food waxaana xarigiisa uu dhaliyay hadal hayn dhinaca Baraha Bulshada iyada oo aanay jirin war kasoo baxay dhinaca Xukuumadda Cirro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here