Talaado 18 Aug 2025 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Gaalkacyo kawada kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug, Xildhibaannada heer Federaalka & qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday Magaalada Gaalkacyo ayaa dhinacyo kala duwan qaabilay isaga oo kala hadlay muhiimadda ay leedahay nabadgalyada Magaaladaas iyo xoojinta iskaashiga lagu xoojinayo Dowladda.
Waxa uu shalay meel fagaare ah kala hadlay Dadweyne aad u badan isaga oo u sheegay in Codkooda iyo awooddooda isugu geeyaan xoojinta Midnimada, wadajirka & Nidaamka Dowladeed ee dalka uu leeyahay.







