Home WARARKA MAANTA Xoolo dhaqato ku nool Ruunirgood oo la sheegay in ay dishay xubin...

Xoolo dhaqato ku nool Ruunirgood oo la sheegay in ay dishay xubin katirsan ‘AS’

2
0

Talaado 18 Aug 2025 {CBB}Labo Wiil oo Dhallinyaro xoolo dhaqato ah kuna sugan Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa la sheegay in dileen Xasan Calasow Raage oo ku magac dheer Xasan Xusuleey oo katirsanaa ‘AS’ isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay.

Dhallinyaradan ayaa markii ay dileen Xasan Calasow oo 50 jir ah kaddib waxa ay ka qaateen qori uu watay oo noociisu ahaa AK47 waxaana falkaas ay sameeyeen Dhallinyaradaas bogaadisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasaaraddu waxa ay Dadka deegaanka ku boorisay in ay kordhiyaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ iyo gacansiinta Ciidamada Dowladda Federaalka ee garabka ka helaya Macawiisleyda si looga hortago khatar weliba oo dhinaca ‘AS’ uga imaan karta sida hadalka loo dhigay.

Xilalka uu ‘AS’ Kasoo qabtay Xasan Calasow Raage oo sidoo kale loo garanayay Xasan Xusuleey waxaa kamid ah Madaxa Sakawaadka ee Degmada Ruunirgood iyo kuwo kale sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug waxaa muddooyinkii dambe ka socday howlgallo ka baddelin kuwii hore ee dagaalka tooska ah waana in Dadka deegaanka ay si gaadmo ah u beegsadaan ‘AS’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here