Home WARARKA CAALAMKA Dhallinyaro ka tahriibtay Jigjiga, Hargaysa & Dhagaxbuur oo lagu qabtay Gobolka Amxaarada

Dhallinyaro ka tahriibtay Jigjiga, Hargaysa & Dhagaxbuur oo lagu qabtay Gobolka Amxaarada

2
0

Talaado 18 Aug 2025 {CBB}Booliiska Amxaarada ayaa ku guullaystay soo qabashada dhallinyaro tahriibayaal ah oo ka kala safray Magaalooyinka Jigjiga, Hargaysa & Dhagaxbuur kuwaas oo xogtooda lala wadaagay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka ee ismaamulkaas.

Dhallinyarada la qabtay oo ka kooban 10 qof ayaa kala ah 8 wiil iyo 2 gabdhood kuwaas oo dib loogu celiyay Dowlad Deegaanka Soomaalida maadaama ehelkoodu dalbadeen in dib loogu wareejiyo Dhallinyaradaas sida hadalka loo dhigay.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay olole xooggan oo ka dhan ah Tahriibka ay galeen si looga hortago dhallinyarada deegaanka iyo kuwa socotada ah ee naftooda halista gelinaya.

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa horay u sheegay in iskaashiga soo qabashada Tahriibayaasha ee kala dhaxeeya Ismaamullada kale uu sarreeyo iyada oo sidaan oo kale Tahriibayal baxsad ah dib loogu soo celiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here